Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa Madaxweynaha xilka kasii dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu baaqay inuusan dalkan ugu horseedin dagaal sokeeya oo Doorashada waqtigeeda uu ku qabto.
Cali Mahdi oo faahfaahiyey xaaladda Beesha Mudullood iyo xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo ayaa talo gaara u diray madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna si kulul uga hadlay doorashada muranka ka taagan yahay ee dalka.
Ninka maanta haya Cabdullaahiyow waa dadaashay wax waad qabatay, kursi haddii uu darajo leeyahay.. muddo aad magac iyo hanti ku kasbato waad joogtay… waxaad kula talineynaa Doorashadaasi waa inay ku dhacdaa waqtigii uu dastuurku sheegay, cid Soomaali ah oo yeelaysa in dib loo dhigo Doorashada ma jirto.. laakiin Soomaaliya dagaal sokeeye dib ha ugu cein” ayuu si kulul u yiri Cali Mahdi Maxamed.
Cali Mahdi ayaa caddeeayay in dowladda maanta jirta ay leedahay waqti dastuuri ah oo eg 4 sano; wixii mudaddaas ka baxsanna ay noqoneyso sharci darro aan la aqbali karin.
“Aniga hadda siyaasi ma ahi, Miskiin gurigiisa jooga ayaan ahay.. laakiin hal arrrin ayaan rabaa oo ninkii aan ka waayana aan la dagaalamayo.. waxaan rabaa dowlad cadaalad nagu dhaqda, haddii la waayo qorigeygii caddaa weli xabbada kama baxsana.. warka inuu caddaado ayaa la rabaa…” ayuu si kulul u yiri Cali Mahdi.
