Waxaa soo if baxay caqabad soo wajahday shirkii wadahadalka wafdiyada Soomaaliya iyo Somaliland ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wafdiga ku dartay xubno muuqda oo kasoo jeeda degaanada Somaliland, taasoo si weyn uga careysiiyay wafdiga Somaliland oo ku hanjabtay inaysan wax shir la galeynin xubno reer Somaliland ka soo jeeda oo kamida dowladda Soomaaliya.
[ad name=”HTML-4″]
Dowladda Turkiga ee martida loo yahay ayaa ku jirta dadaal weyn oo ay dooneyso inay shirka ka badbaadiso fashil ku yimaada, waxaana wafdiga Somaliland ee uu hogaamiyo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis la saarayaa cadaadis aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona.
Xubnaha Wafdiga Soomaaliya u matalaya wadahadallada ayaa waxaa ka mida:
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, C/raxmaan Odawaa
Warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Jaamac Jengeli,
Saciid Jaamac Qoorsheel iyo xubno kale
Lama oga sababta madaxweyne Xasan Sheekh ugu dhiiraday inuu xubno Somaliland ka soo jeeda u badiyo wafdiga uu u diray Istanbul, waxaase jirta inay saameyn weyn ku yeesheen Puntland iyo Khaatumo oo muddo dheer ku doodayay inay xubno ku yeesheen wafdiga dowladda Soomaaliya ee la hadlaya Somaliland.
Wadahadalka ayaa lagu dhawaaqay inuu furmay , waxaana weli taagan shuruudii ay ku xirtay Somalaliland, iyadoo Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xersi Xaaji Cali rajo xumo ka muujiyay shirka.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]