Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu caawa baaqday shirkii wadatashiga ahaa ee la filayey inuu u furmo Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Shirkan oo uu maanta shaaciyey Afhayeenka Madaxweyne Farmaajo ayaa qabsoomi waayey. kadib markii uu Madaxweynaha Jubbaland inuu ka qeyb galo inta dowladda Soomaaliya ciidamadeeda kala baxeyso Gobolka Gedo, lana fulinayo is-fahamkii shirkii Dhuusmaareeb II ku dhex maray labada dhinac.
Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa isku dayey inuu qanciyo Madaxweyne Axmed Madoobe, kadib kulan saacado qaatay oo uu la yeeshay, kaasoo aanay wax natiijo ah kasoo bixin, waxaana Madaxtooyada soo wajahay xaalad kale oo siyaasadeed, taasoo dalka ku heysa Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa joogitaankiisa Muqdisho iyo shirka ay ugu yeertay Madaxtooyada Soomaaliya uga faa’iideysanaya inuu miiska soo saaro xaaladda Gobolka Gedo oo dowldda Federaalka kala wareegtay maamulkiisa, iyadoo uu la socdo guddoomiyaha Gobolka Gedo ee hoos taga.