Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Caqabado waaweyn oo ka hor yimid Guddiga Doorashooyinka [Akhri Qoraal sir ah oo loo diray Madasha]

    Caqabado waaweyn oo ka hor yimid Guddiga Doorashooyinka [Akhri Qoraal sir ah oo loo diray Madasha]

    September 7, 20167 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Cumar Maxamed Cabdulle ayaa loo kala diray madaxda Madasha Qaran ee wadatashiga.

    Qoraalka oo aad u dheeraa ayuu guddigu ku faahfaahiyay halka marayaan diyaargarowga Gurriga iyo caqabadaha ka hor yimid oo isugu jira kuwo farsamo iyo maaliyadeed.

    HOOS KA AKHRI QORAALKA GUDDIGA 


    Ku: Madaxda Madasha Hoggaanka Qaranka (MHQ):

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,
    Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud;

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka,
    Mudane: Maxamed Cusmaan Jawari;

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka,
    Mudane: Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke;

    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenga Xukuumadda Federaalka,
    Mudane: Maxamed Cumar Carte;

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland,
    Mudane: Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas;

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland
    Mudane: Axmed Maxamed Islaan;

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,
    Mudane: ShariifXasan Sheekh Aadan;

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug,
    Mudane: Cabdikariim Xuseen Guuleed

    Ujeeddo: Caqabadaha GFHDD kala kulmay Hirgelinta Hannaanka Doorashada 2016

    Mudanayaal,

    Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) wuxuu billaabay howshii wacyigelinta iyo la-tashiga Madax-Dhaqameedka si ay u soo xulaan ergada dooran lahayd xildhibaanada 275 ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka.

    Xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer dowlad-goboleed waxay ku sugnaayeen xarumaha doorashada waxaana gaaray madax-dhaqameedyadii 135 ee loo asteeyey inay taagaan caasimadaha dowlad-goboleedyada. Maalmihii 23 Agoosto- 3 September waxaa tegey guddiyada doorshooyinka ee heer federal goobaha doorashooyinka, waxaana guddiyadu si wadajir ah u fahamsiiyeen madax-dhaqameedyada doorkooda doorashada iyo xulidda ergooyinka doorshada.

    Intii guddiyadu howlahaas ku jireen waxaa soo baxay caqabado iyo culeysyo ay lagama maarmaan tahay in loo helo xal degdeg ah. Caqabadaha illaa iyo hadda soo wajahay guddiga waxaa ka mid ah:

    1. Miisaaniyadda Hirgelinta Doorashada oo aan weli lahaynin ama sugneyn

    Miisaaniyadda doorashada 2016 waxaan weli caddayn ama laga heshiin madaxyada lagu bixinayo, meesha ama xisaabta lagu shubayo, wakhtiga ugu horeeya ee la helayo iyo hannaanka lagu maamulayo.

    Madasha waxaan la socodsiineeynaa in hawsha doorashadu ay hadda u socoto si habsami ah, guddiyada doorashooyinkana ay galeen kharashyo taagan oo aan weli la bixin, haddana loo baahan yahay dhaqaale kale oo badan oo lagu fuliyo doorashada. Hadaba, xal degdeg ah hadaan loo helin miisaaniyadda doorashooyinka waxaa burbur ku imaan karaa Hannaanka Doorashada 2016ka.

    2. Arrimaha Madax-dhaqameedyada:

    a. Maareynta kuraasta beelaha ee kala taalla deegaano kala duwan ee xarumaha doorashada

    Xubno ka mid ah Madax-dhameedyada 135-ta waxay doonayaan in ay soo xulaan dhammaan ergada kuraastooda ee kala taalla deggaano kala duwan iyagoo diidan in ay wakiishaan nabadoonnada kale ee beesha u jooga deegaannada kursiga kale yaallo.

    Waxaan soo jeedinaynaa in madax-dhaqameedka kuraastiisu kala taalo meelo kala duwan uu soo xulo ergada meesha uu asagu joogo kaliya, meesha uusan joogin waa inuu wakiishaa wakiil ay isla ogol yihiin nabadoonnada beesha kursiga iska leh, GDGHDD iyo Maamulka.

    b. Madax-dhaqameedyada aan ku jirin 135-ta ee MHQ saxiixeen

    Markii guddigu ay howsha wacyigelinta iyo la-shaqeynta madaxdhaqameedyada gudagaleen, waxaa soo baxday inay jiraan odaydhaqameedyo haysta qoraallo u ogolaanaya inay xuli karaan ergo doorasho, qoraalladaas oo ku soo baxay magaca MHQ, waxayna warqadahaasi keeneen isqabqabsi iyo cabashooyin ballaaran.

    Guddiga GFHDD wuxuu ku shaqeynayaa Liiska Madax-Dhaqameedyada 135ta ah ee ay isku raaceen MHQ sida ku cad War-murtiyeedkii MHQ ee Baydhabo, 22-24 June, 2016. Si loo helo nidaam doorasho oo mideysan, Guddiga doorashadu wuxuu MHQ ka codsanayaa inay hubiyaan in isbeddel kasta oo ku imaanaya Liiska Odayaasha 135 lagu soo saaro go’aan madaleed oo ku soo baxay war-murtiyeed.

    c. Madax-dhaqaameedyada diiday inay tagaan xarumaha doorashada ama ay xulaan ergada doorashada

    Intii uu Guddigu ku guda jiray tababaridda iyo wacyigelinta madaxdhaqameedyada, waxaa soo baxay madax-dhaqameedyo diiday inay tagaan goobihii doorashada, tababarkiina aan qaadan.

    Haddii uu tagi waayo Madax dhaqamaeedku xarumaha doorashada, wakiilna samaysan waayo, beesha kursiga iska leh, GDHDD iyo Maamulka uu kursigu yaalo waxay isla dooranayaan 5 nabadoon oo mid horjooge yahay oo beeshaas ergada u soo xula.

    d. Beelo kuraas leh oo aan oday ku laheyn Madax-dhaqameedyada 135-ta

    Wuxuu Guddigu la kulmay madax-dhaqameedyo aan ku jirin shaxda 135ta oo doorashadii 2012ka soo xulay xildhibaanno qaran, kuwaasoo doonaya inay markale soo xulaan ergadii soo dooran laheyd kuraastaas. Waxaa kale oo guddigu ogaaday beelo kuraas leh oo ay doorashadii 2012kii kuraastooda saxiixeen oday-dhaqameedyo ku jira 135ta oo aan ku beel aheyn.

    Waxaan MHQ u soo jeedineynaa in oday-dhaqameedyadii mudnaanta gaarka ah ku soo xulay kuraasta beelohooda, in markale loo ogolaado inay soo xulaan ergada doorashada ee kuraastaas.

    3. Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban (GXKHDD) oo aan wali la dhisin iyo baahidiisa oo taagan

    Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban waxay ahayd in la dhiso ka hor billowga muddada magacaabista/diiwaan gelinta musharaxiinta oo hadda ku aadan 13-23 Sep 2016 iyo soo xulidda ergooyinka oo bilaabatay 22 Agoosto 2016.

    Waxaan soo jeedinaynaa in Guddiga Xalinta Khilaafaadka lagu dhiso sida ugu dhaqsiyaha badan ee suurtogalka ah.

    4. Arrimaha Somaliland

    Madax-dhaqameedyada Somaliland oo cabashooyin siyaasadeed darteed aan ka qeybgalin tababarradii wacyi-gelinta iyo hannaanka xulitaanka ergada ee ay bixinayeen guddiyada doorashooyinka, waxay kala dhantaaleysaa in doorashadu si isku mid ah uga hirgasho dalka.
    Guddigu wuxuu soo jeedinayaa si ayna Somaliland Hannaanka Doorashada uga harin, wadajirka wadankana loo ilaaliyo waa in xal siyaasadeed laga gaaraa tabashadooda.

    5. Beelaha Banaadir

    Guddiga Doorashada ee Beelaha Banaadir oo lagu go’aamiyey in la dhiso madashii hore ee Agoosto 7 oo aan illaa hadda naloo soo gudbin, taasoo caqabad ku ah in si isku mid ah doorashadu uga hirgasho dalka oo dhan.

    Waxaan ku talineynaa in la dhisaa Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer deegaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

    6. Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

    Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Hiiraan/Shabelle Dhexe waxay dhawaan soo gabagabeeyeen tababar wacyi-galineed ee hannaanka soo xulista ergooyinka, kaas oo loo qabtay Madax-dhaqameedyada 2 da Gobo lee kor ku xusan.

    Haddaba, iyadoo lafilayo in waqti dhow lasoo gudbiyo liisaska ergooyinka ayaa waxaa caqabad ka jirtaa in aysan weli sugnayn goobta ay doorashada ku galayaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, sidaa awgeed waa in Madashu Go’aan ka gaarto goobta lagu qabanayo doorashadooda ka hor 13 Sep 2016.

    7. Xaqiijinta Qoondada Haweenka

    Guddiyada doorashooyinku markii ay la kulmeen madax-dhaqameedyada soo xulaya ergooyinka doorshada waxaa u caddaatay inaan la hayn hab lagu xaqiijin karo qoondada haweenka ee 30% oo heshiis lagu yahay. Waxaan soo jeedinaynaa in:

    a) Kuraasta hadda ay ku fadhiyaan dumarka inay ku tartamaan haween oo kaliya

    b) Beelaha leh labo (2) ama sedex (3) kuraas waa inay keenaan hal (1) dumar ah, haddii ay ku heshiin waayaan, kuraastas waa la laalayaa.

    8. Arrimaha Amniga ee doorashada

    Maadaama Amaanka Doorashadu uu laf-dhabar u yahay suurta galinta Doorashada 2016 waxaa muuqata daldaloolo iyo dhaliilo kuwaas oo caqabad ku noqon kara amaanka doorashada, sida miisaaniyadda dhinaca ammaanka ee doorashada oo haba-yaraatee aan lahayn.

    Sidoo kale waxaa jira xarumo doorasho oo amnigoodu u baahanyahay in lagu xoojiyo ciidamada caalamiga ah ee Amisom sida GalMudug.
    Sidaa daraadeed Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in sida ugu dhaqsaha badan loo helo xal lagu maareeyo miisaaniyada ammaanka.

    9. Jadwalka Qorshe – Hawleedka oo ciriiri sii gelaya

    Waxaa taagan howlo ay aheyd in waqti hore MHQ go’aanno siyaasadeed ka gaaraan sida; magacaabista GXKH, GDGHDD ee Banaadir, goobta doorasho ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, arrinta Soomaliland, 135 madax-dhaqameedka iyo wakiiladooda iyo qodobbo kale.
    Qorsha-hawleedka hannanka doorashada 2016ka wuxuu ku jiraa halis sababa la xiriira ballan-qaadyadii taageeridda, fududeynta iyo amniga doorashooyinka dadban oon la meel marinin illaa iyo hadda.

    10. Gunaanad

    Mudanayaal, GFHDD isaga oo fulinayna waajibaadka ka saran hirgelinta Hannaanka Doorashada sida uu qabo habraaca xilalka iyo waajibaadka, ayuu wuxuu guddigu si joogto ah ula wadaagay dadaalladiisa MHQ, isagoo waydiisanaya hagid ama go’aanno siyaasadeed marka loo baahdo.

    Haddaba, maadaama la guda galay waji cusub ee hirgelinta doorashooyinka waxaa lama huraan ah in aanu idiin qeexno caqabadaha jira oo haddii MHQ hagid iyo go’aanno siyaasadeed ka qaadan arrimaha taagan in GFHDD yeelan doonin mas’uuliyadda wixii dib-u-dhac ah ama daldalool ah ee ku yimaadda doorashada dadban.

    Waxaan sidoo kale weydiisaneynaa MHQ in ay cadeeyaan miisaaniyada ay ugu talagaleen hirgelinta doorashooyinka, ka dibna ay dood wax-ku-ool ah la yeeshaan deeq-bixiyayaasha si heshiis kama dambays ah looga gaaro miisaaniyad dheellitiran oo lagu hirgeliyo doorashooyinka dadban ee 2016ka.

    Waxaan tilmaameeynaa in haddii madashan xal looga gaari waayo arrimaha kor ku xusan ay cawaaqib aan wanaagsaneyn ku keenayso in doorashada ku qabsoonto wakhtigeedii.

    Avv. Cumar Maxamed Cabdulle
    Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hergelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ee 2016

    Doorashada 2016 Guddiga Doorashada Madasha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDubai’s DP World to manage Somaliland port
    Next Article Yuusuf Dabageed oo ka hor yimid shirka Maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe ee Jowhar

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo