26 Malxiis ayaa ka taasulay ka hor codeynta Doorashada Aqalka Sare, Waxaana lagu tartamay 28 kursi oo keliya.
Dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doorashada Aqalka Sare kusoo dhammeeyay muddo saddex bilood iyo bar ah, kaddib coddeyn ka dhacday xarumaha baarlamaannada ee maamuladda. Doorashada ayaa si rasmi ah u dhammaatay 13-kii bishan November ee sannadka 2021-ka.
Somali Public Agenda (SPA) oo ah hay’ad aan macaash-doon ahayn oo ka shaqeysa cilmi-baarista arrimaha jaangoynta iyo maareynta siyaasadaha dalka, ayaa shaacisay cilmi-baaris ku saabsan casharradii laga bartay doorashadii Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Haddaba, warbixintan waxa aan si gaar ah ugu dul istaageynnaa casharradii laga bartay habkii doorashada ay u maamuleen madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada.
Mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee naqshadda doorashadda ayaa aheyd awooda madaxweynayaasha maamuladda ay u lahaayeen soo magacaabidda musharraxiinta kuraasta Aqalka Sare ee doorashadii soo dhammaatay.
Madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada ayaa si weyn u maroorsaday doorashadii Golaha Aqalka Sare ee ka dhacday deegaannadooda. Waxaa la hor istaagay siyaasiyiin tiro badan oo u qalmay ama rabay in ay tartamaan.

Madaxweynayaasha ma aysan tixgalinin hamiga musharraxiin badan oo caan ah si ay ugu biiraan tartanka kuraasta golaha. Arrintan ayaa lagu macneeyay inay tahay mid lagu diidan yahay dadaallada qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamuladda ay ku doonayaan inay ku ballaariyaan fursadahooda siyaasada, iyo mowqifka adag ee dowladda federaalka ah ee ku wajahan dowlad-gobolleedyada tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay 2017.

Marka laga soo tago in meesha laga saaray musharraxiinta suurtagalka ahaa, marar badan, waxaa dhacday in madaxweynayaasha ay doortaan in musharraxiinta ay rabaan soo baxaan, iyadoo loo sameynayo malxiis siyaasadeed, kaas oo ka tanaasula doorashada ka hor codeyn si uusan tartan ula galin qofkii uu la tartami lahaa.
Arrinta wel-welka leh waxaa ka mid aheyd in kuraasta qaar (malxiiskooda) lagu soo daray haween musharraxiin ah si loo dhimo lacagaha diiwaan-gelinta maadaama haweenka laga rabo in ay bixiyaan kala bar ($ 10,000) lacagta diiwaan-gelinta raga musharraxiinta ah.
Doorashadii Somaliland, guddoomiyaha Aqalka Sare ee waqtigiisu dhammaaday ayaa ku jiray liiska musharraxiinta aan lala tartamin ee loo doortay Senatoro. Tani waxay ka yaabisay dad badan oo su’aal ka keenay in guddoomiyaha uusan xitaa la la tartami karin malxiinskii uu isaga keensaday.
Ka hor inta aysan bilaabmin doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa muuqaal kooban (oo habeen ka hor la shaaciyay) ku sheegay in ay go’aansadeen in ay diiwaan-galiyaan cid la tartameysa guddoomiye Cabdi Xaashi.
Isla musharraxaasi ahaa malxiiska ayaa is-casilay ka hor intaanay codbixintu bilaaban. Taasi waxay keentay in Cabdi Xaashi (oo ay weheliyaan dhawr mudane) lagu doorto cod gacan-taag ah.
Qaar kamid ah musharraxiinta ayaa si cad u cambaareeyay hab-hoggaamineydka madaxda maamul-gobolleedyada ee ah in ay wax is-daba marin sameyeen isla markaana ay go’aamiyaan dhammaan geeddi-socodka doorashada Aqalka Sare. Arrintaan ayaa loo arkayay mid tusaale xun u noqoneysa doorashada Golaha Shacabka ee soo socota.
Dowlad-gobolleedka Hirshabelle:

Maamulkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee si deg-deg ah loo dhiso intii lagu guda jiray hannaanka doorashada sannadkii 2016, waxa uuna wali la daalaa dhacayaa dhibaatooyin ka dhashay hannaankii doorashada madaxweynaha Hirshabeelle ee dhacday dabayaaqada sanadkii 2020. Cali Guudlaawe ayaa loo doorto madaxweynaha maamulkaasi (iyadoo Jowhar wali ay tahay caasimadda maamulka).
Si kastaba ha ahaatee, madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa go’aan ku gaaray in aysan “afduuban” hannaanka iyo howsha doorashada, iyagoona doorashada ka dhigay mid u furan dhammaan siyaasiyiinta raadinaya kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka.
Sida maamuladda kale ee lagu dhalliiyay in natiijadda doorashadooda la sii oggaa, ayuu madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe uu baarlamaanka u gudbiyay liiska 33 musharrax oo u taaggan doorashada siddeedda kursi ee Aqalka Sare.
Hirshabelle oo si weyn loogu ammaanay inuu furay saaxadda siyaasadda, ayaa dhinaca kale doorashada Hirshabeelle waxay daaha ka rogtay heerka ugu sarreeya ee cododka la iibsaday ama lacagha badan lagu bixiyay. Tani ayaa xaqiiq u aheyd in tartanka doorashada Hirshabelle uu ahaa mid furan.
Tartankii kuraasta doorashada:
28 kursi oo keliya ayaa doorashadooda waxaa ay aheyd mid si furan loogu tartamay. Inta badan musharrixiinta 54-ta kursi ayaa ahaa malxiis (Waa erey ku cusub qaamuuska siyaasadda Soomaalidda) malxiisyada siyaasadda ayaa khudbadahooda ka tanaasulay, taas oo ka dhigtay musharraxii la sii oggaa in uu kusoo baxayo doorashada uu si fudud ku helay aqlabiyada xildhibaannada.
26-ka malxiis ee ka taasulay doorashada ayaa 9 kamid ah waxaa ay ahaayeen Puntland (dhammaan malxiisiinta sagaalka kursi ayaa tanaasulay ka hor codeynta dooroashadda), 8 kamid ah malxiisiinta waxaa ay ahaayeen Galmudug (dhammaan siddeeda kursi ee Galmudug laguma tartamin), 6 kamid ah waxaa ay ahaayeen Somaliland (ku dhowaad nus kamid ah kuraasta ayaa lagu tartamay), labo kamid ah malxiisiinta waa Jubbaland, halka hal malxiin uu aha maamulka Hirshabelle.
Tani waxay muujinaysaa sida madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada ay u maareeyeen habka iyo sida loo sii go’aamiyay natiijada inta badan kuraasta Aqalka Sare.
W/Q: Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia