Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 10
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»FAAQIDAAD: 10 Qodob oo laga calaamadeeyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda & Guddoonka Baarlamaanka [Akhriso]

    FAAQIDAAD: 10 Qodob oo laga calaamadeeyay Warbixintii Guddiga Maaliyadda & Guddoonka Baarlamaanka [Akhriso]

    November 25, 2018Updated:November 28, 20183 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warbixinta uu Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda ee lagu baahiyey warbaahinta waxay ahayd Bambo siyaasadeed oo lagu qarxiyey mashruucii ugu weynaa xukuumadda Nabad & Nolol ee ahaa inay ku guuleysatay dib u habeynta hanaanka maaliyadda dalka iyo la-dagaalanka musuqa oo beesha caalamka ay u qirtay.

    Warbixintan waxay keentay jawaabo kala duwan, qolo walibana waxay u dhigtay sidii ay rabtay, iyadoo ay si weyn ula dhaceen mucaaradka dowladda, waxaase la yaab lahaa sidii ay u wajahaday xukuumadda Soomaaliya.

    Warbixinta oo Guddi ka tirsan Baarlamaanka kasoo baxday waxay ku soo hormartay Saxaafadda, taasoo muujineysa inay ujeedo laga lahaa, ka baxsan xisaabtanka, waxaana isla markiiba laga sameeyay warar iyo warbixinno lagu baahiyey luqadda Ingiriiska, taasoo iyaduna ujeedkeedu ahaa in la gaarsiiyo beesha caalamka.

    Hab-dhaqanka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka qaarkood, jawaab celintii Xukuumadda iyo wixii ka dhacay Baarlamaanka fadhigiisii 24-ka November 2018 waxaa lagu soo koobi karaa 10-ka Qodob ee soo socda:

    BAARLAMAANKA

    1- In Warbixintii Guddiga Maaliyadda iyo kuwa la mida ah ay yihiin kuwo si weyn loogu baahan yahay, iyadoo loo marayo dariiqa sharciga ah, daacadna laga yahay si loola xisaabtamo hay’adaha fulinta dowladda.

    2- In mugdi badan ku jiro sida loo maamulo dhaqaalaha dalka, isla markaana ay weli socoto ku takri falka dhaqaalaha iyo musuq la isla ogyahay.

    3- In Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka ay la wareegeen koox ka tirsan dowladii hore iyo xisbi mucaarad ah oo dano gaara u adeegsaday, iyadoo uu soo shaac baxay xoghayaha gudiga oo arrintan dhami ka dambeeyay.

    4- In Guddiga Maaliyadda iyo Baarlamaanka ay u taallo xisaabxirka sanadkii hore ee 2017 oo aan weli laga doodin, tani waxay caddeyn u tahay inaan isla xisaabtan meesha oolin mar haddii laga doodayo misaaniyadda sanadkan 2018, iyadoo sanadkii hore xisaabxirkiisii aan la xirin.

    5- In jiritaanka iyo waxgalnimada Guddigan muhiimka ah uu halis ku jiro markii uu dhexda u galay koox danley mucaarad ah oo ka tirsan iyo xukuumadda oo dagaal ku qaaday. Ma cadda sida uu u sii shaqeyn doono, laga yaabee inuu sidan howlgab ku noqdo.

    6- In guddoonka Baarlamaanka gacanta ugu jiro madaxda sare ee dowladda oo aanay suuragal ahayn inay xeeriyaan go’aan aysan raali ka ahayn madaxda sare.

    XUKUUMADDA

    7- In xukuumadda Soomaaliya ee xilligan jirta ay ka go’an tahay inay dagaal siyaasadeed iyo cadaadis dhinac waliba leh la gasho koox kasta oo ka hor timaada.

    8- In xukuumadda ay faragelisay, isla markaana kala qeybisay Guddiga Maaliyadda; khalad kastoo dhinaciisa ka yimaada waxay ahayd inay ka jawaabaan oo kaliya eedaha loo jeediyey, waxayna tani muujineysa inay jiraan wax la qarinayo.

    9- In wasiirada xildhibaannada ah ee ka tirsan xukuumadda Kheyre ay dhibaato weyn ku hayaan shaqadii Baarlamaanka, iyagoo  mar waliba oo loo baahdo ka qeyb gala fadhiyada Baarlamaanka, si ay wixii ay sharci ku waayaan ay buuq iyo sharci darro ugu soo dhacsadaan.

    10- Inaan Baarlamaanka hadda jira laga sugin inuu la xisaabtamo xukuumadda hadda jirta, haddii aanu isbedel dhicin.

    FAAQIDAADDA GOOBJOOGE

    Baarlamaanka Guddiga Maaliyadda Musuq Top xukuumadda
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHorjoogayaal ka tirsan Kooxda Alshabaab oo lag dilay duqeyn ka dhacday Gobolka J/Dhexe
    Next Article WAR CUSUB: 5 ka mida Musharixiintii Madaxweynaha K/Galbeed oo ka baxay tartanka & Musharax ay taageereen

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo