Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa kashifay sida Madaxweyne Xasan Sheekh ugu fashilmay dib u dhiska Garsoorka dalka, wuxuuna sheegay inaan haba yaraate waxba laga qaban Garsoorka intii uu talada dalka hayay Xasan Sheekh.
Isagoo ka hadlayay Xaflad lagu xusay saddex sano guuradi weerarkii Alshabaab ku qaaday xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo dad badan lagu laayay ayuu Ceydiid Ilka-xanaf ka sheegay inaanu jirin Hal garsoore oo la magacaabay kadib markii uu xilka qabtay Xasan Sheekh, ayna ugu danbeysay garsoorayaashii uu magacaabay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha xilka ka sii dhammaanayo iminka ee Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaadan waayay soo jeedintoodii, isla markaana la dhisi waayay Hay;adda Adeegga Garsoorka oo ka mida Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.
Xasan Sheekh ayuu sheegay inuusan aanu ogoleyn in xubno cusub lagu soo biiriyo golaha garsoorka adeegga, isla markaana dowladda ay dayacday ammaanka Garsoorayaasha dalka.
Garsoorka ayaa ahaa mid ka mida tiirarkii uu doorashada ku galay Xasan Sheekh, waxaana uu calaamad u yahay sida lixdii Tiir ee musharaxa madaxweynaha noqday u fashilmeen, xilli uu hadda doonayo in mar kale dib loo doorto.
Wadani.com