Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay heshiis la saxiixatay dowladda Shiinaha, kasoo ku saabsan iskaashiga dhinacyo kala duwan.
Heshiiskan ayaa ka danbeeyay kadib markii ay wafti ka socda Shiinaha oo uu hogaaminayo wakiiilka Shiinaha u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “Forum on China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku tageen magaalada Hargeysa, iyagoo la kulmay Madaxweynah Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Inay labada dhinac iska kaashadaan arrimaha kala ah:
1- Dhaqaalaha
2- Ganacsiga
3- iyo Horumarka
Arrintan ayaa imaaneya iyadoo Somaliland ay dhowaan xiriir la sameysatay Jasiirada Taiwan oo dalweynaha Shiinaha ka go’day, taasoo ay s weyn uga hor timid dowladda Shiinaha.
