Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa qafaashay markab xamuul oo ganacsato u rarnaa, kaasoo aga leeyahay dalka India.
Markabkan oo kasoo baxay magaalada Dubai ayaa waxaa saarnaa 11 shaqaale ah, waxaana la sheegay inuu badeecad u siday ganacsato fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.
Markabkaan ayaa xiriirkiisa la waayey 1-dii bishan, kadib markii Kabtanka markabkaasi caddeeyey iney u gacan galeen Burcad Badeed. waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in burcad Badeedka ay Markabka ku heystaan duleedka xeebta magaalada Hobyo.
Markabka ayaa lagu magacaaba Al Kaushar, waxaana shaqaalaha saaran ay u badan yihiin Hindi.
Wadani.com