Howlgal ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, guutada 14-ka Oktobar ay ka sameeyeen Magaalada Marko ee Gobolka Sh/Hoose ayaa lagu soo qabtay horjoogihii maleyshiyada Al-shabaab u qaabilsanaa Aasitaanka miinyooyinka ee dhulka.
Horjoogaha moiinooyinka Alshabaab ee lagu qabtay duleedka magaalda Marko ayaa lagu magcabaa Saleemaan Cumar Cabdulle, isagoo ka mid ahaa Horjoogayaasha Al-shabaab ee ka howlgala Gobolka Sh/hoose oo ay ku badan yihin qaraxyada miinooyinku geystaan.
Taliyaha guutada 14 Oktobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhaxe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka sida ee Muqdisho u sheegay in horjogahaan ay ka war heleen xogtiisa kadib markii ay usoo gudbiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Marko.
Wuxuu intaas ku daray in xiliga la qabanayay Horjogahaani uu buundada Magaalada Marko ku aasayay Miino. Horjooge Saleemaan Cumar Cabdulle ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u Xaqiijiyay inuu Al-shabaab ku biiray Sanadkii 2015-kii
Saleemaan Cumar Cabdulle waxa uu sidoo kale sheegay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa Aasitaanka Walxaha qarxa, gaar ahaan miinooyinka.