Wararka laga helayo magaalada Guriceel ayaa sheegaya in kooxda Ahlu suna ay xireen Idaacadlagu magacaabo Galgaduud.
Ciidamo ka tirsan Maamulka Ahlusunna ayaa xalay saq dhexe xoog ku galay idaacadda Codka Galgaduud, kadibna ay amar ku bixiyeen in hawada laga saaro idaacadda iyagoo qaatay qalabkii idaacadda.
Qalabkii idaacadda ayaa la sheegay inay hore u qaateen ciidamada weeraray xarunta Idaacadda Galgaduud, waxayna ciidamada ahaayeen kuwo wejigada u duuban yihiin, sida uu sheegay maamulka Idaacadda.
Maamulka Ahlu sunna ee gobollada Dhexe ayaa dhowr jeer albaabada isugu laabay idaacaddan iyo kuwa kale ee ka howlgala degaanada ay ka taliyaan.
Wadani.com