Wararka laga helayo Gobollada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ay weerar ku qaadeen guri uu magaalada Guriceel ku lahaa Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal).
Ciidamada Maamulka Ahlusunna ayaa weerarkooda ka fuliyay galabta Guriga oo ku yaalla Magaalada Guriceel, iyagoo xiray ilaalo guriga ku sugneyd iyo hubkoodii xilli uu Cabdi waal ku sugan yahay magaalada Muqdisho.
Lama shaacin sababta ciidamada Ahlu sunna u weerareen Guriga Cabdi-waal hore uga deganaa Guriceel, halka wararka qaar ay sheegayaan inuu jiro tuhun ku saabsan isbedelka ku yimid hogaamiye kooxeedkan hore ee muranku ka taagan yahay.
Wadani.com