Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa saakay laba ruux ku dilay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.
Sida ay sheegeen dadka degaanka Gaari ka tirsan kolonyada ciidamada AMISOM uu jiiray laba ruux o watay Gaari Dameer, kuwaasoo ku sii jeeday degmada Balcad, waxaana dhacday in ay iidamada AMISOM fal kale ku dhaqaaqeen iyagoo goobta uga tegay dadkii ay jiiraan ee ay ku dileen halkaasi.
Dadka Deegaanka ayaa meydka labada qof ee ay dileen Ciidamada AMISOM ka qaaday goobta, mana jirto weli wax war ah oo ka soo saareen masuuliyiinta Degmada Balcad.