Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay hor istaageen ciidamada AMISOM.
Wararka laga helayo Garoonka Ade Cadde ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ilaalada garoonka ay muddo saacaddo ah xayireen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Garoonka u tegay inuu dalka ka dhoofo.
Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dadaal u galay arrintan ayaa markii danbe ku guuleystay inay fasaxaan guddoomiyaha Aqalka sare, waxayna arrintan dhalisay inay si weyn uga caroodaan xildhibaannda aqalka sare oo kulan degdeg yeeshay, iyagoo cambareeyay falka lagula kacay guddoomiyaha Aqalka sare.
Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM in ay jawaab degdeg ah ay ka bixiyaan falka tacadiga ah oo lagu xanibay Gudoomiyaha Aqalka Sare.