Ciidamada AMISOM ee ka howlgala madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku biiray ilaalada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kadib xamaasad iyo diidmo hareysay habeenkii la doortay.
Arrintan ayaa ka danbeysay kulan dhex maray AMISOM iyo madaxweynaha cusub iyadoo waajibaadka AMISOM (Mandate) ay ka mid yihiin ilaalada madaxda sare ee dalka, waxaan la isku afgartay in ciimada AMISOM ka mid noqdaan ilaalada Madaxweynaha.
Ciidamo xul ah oo ka tirsan kuwa Milateriga ayaa qeyb ka noqon doona sidoo kale ilaalada madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in toddobaadkan dhexdiisa la caleemo saaro, si rasmi ahna uu xilka ula wareego.
Habeenkii doorashada iyo maalintii ka danbeysay ee Khamiista 9-ka Febraayo ayaa madaxweyne Farmaajo iyo gacanyareyaashiisa ay dalbadeen ciidamo ka tirsan kumaandooska Soomaalida inay ilaalo u noqdaan, taasoo ay dhalisay xamaasadii ka dhalatay doorashada.
Xilligii uu Farmaajo Ra’iisal wasaaraha ka ahaa dowladii KMG ahayd waxaa ilaalo u ahaa ciidamada Uganda ee AMISOM ka socday.
Wadani.com