Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay ammaanka Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii uu shalay gaaray Cadaado Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Cismaan Nuur Subagle oo hoggaaminayay wafdi AMISOM ka tirsan, waxayna tallabaadan qeyb ka tahay in madaxda is khilaafsan ee Galmudug aysan saameyn ku yeelan goobaha muhiimka ah ee magaalada.
Jenraal Subagle ayaa sheegay in Ciidamada ka socda AMISOM ee la geeyay garoonka Diyaaradaha Cadaado ay xaqiijin doonaan amniga Garoonka. Waxaa sidoo kale la filayaa in ciidamada AMISOM ay la wareegaan ammaanka xarunta Madaxtooyada Galmudug.
Qorshaha AMISOM ayaa ah in magaalada Cadaado aan lagu dagaalamin oo khilaafka siyaasadeed aanu isu bedelin mid gacan ka hadal ah, waana tallaabo ay hore u qaaday markii uu yimid khilaafkii madaxweynihii hore C/kariin Guuleed iyo xildhibaannada Maamulkaasi.