1000 askari oo ka mida ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa bisha Decembar ka baxaya Soomaaliya, iyadoo qeybtii u horeysay ka bixitaanka Ciidamada ay bilaaban doonaan horaanta Todobaadka soo socda.
Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Richard Karimere ayaa sheegay in 281 askari oo ugu horeeya una dhashay dalka Uganda, kama mida 1,000-ka askari ee laga soo saari doono Soomaaliya ay baxayaan horaanta todobaadka soo socda.
Saraakiisha UPDF ayaa sheegay in go’aanka ka bixitaanka AMISOM uu yahay sidii Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fursad loogu siin lahaa sidii ay ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen. Waxaana qorshahan ka hor yimid Mareykanka.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishii May ee sanadkan hal sanno ugu kordhiyay howl galka AMISOM illaa sanadka 2018, sidoo kale waxaa bishii August ee sanadkan isku raacay in la dhimo tirada Ciidamada jooga Soomaaliya, lagana soo saaro kun askari, kaddib markii Midowga Yurub ay jarteen dhaqaalihii ay ku bixinayeen Howl galka AMISOM.