Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka amniga ay saaka toogasho ku dileen nin hubeysan oo ku lebisnaa ciidamada milteriga dowladda.
Falkan ayaa ka dhacay xaafada Black Sea ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in askarigan oo ku hubeysnaa qori AK-47 ah dhac u geystay sahcabka xaafadada xaafada Black Sea, kadibna markii ay ciidamadau ku amreen inuu qoriga dhigo uu dagaalamay.
Dadweyne badan aya isugu soo baxay goobta lagu dilay askarigan la sheegay inuu burcadnimo ka waday xaafada lagu dilay, waxaana sawirro laga qaaday lagu baahiyey baraha bulshada, iyadoo dareyskiisu muujinayo inuu ahaa kan ay xirtaan guutada 14-ka October.
Burcadnimada xaafadaha Magaalada Muqdisho sida weyn ugu soo korortay muddooyinkii danbe ayaa inteeda badan waxaa ka danbeeyay xubno ka tirsan ciidamada milateriga.