Ciidamada Amniga amagaalada Muqdisho xalay iyo maanta ka bilaabay olole lagu beegsanayo Mootooyinka Dhugdhugleyda ah ee Dhalinyaradda Muqdisho ay ku shaqeystaan.
Mootooyinkan oo intooda badan ah noocyada Muqdisho ay yihiin Fekon ayaa laga ururiyey wadooyin, waxaana boqolaal Mootooyinkaas ah la geeyay saldhigyada Booliska iyo xarumaha amniga, iyadoo wararku sheegayaan inay howlgalka lagu qaaday Mootooyinkan ay ka dhalatay xaalad amni iyo digniin laga bixiyey in Mootooyinkaasi lagu fuliyo falalka amni darrada ah.
Ciidamada Booliska ayaa Mootooyinkaan ka reebay dadkii watay iyagoo iska fasaxay, waxaana magaalada laga waayey mootoouyinkaasi. Dhaliyarrada Muqdsho ayaa Mootooyinkan ku shaqeysta, waxaana lagu fuliyaa howlo badan oo ganacsiga Muqdisho qeyb ka ah.