Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa Caawa howlgal xoog leh ku qaaday xaafado ka tirsan degmada Wardhoogley magaalada Muqdisho.
Howlgalkan ayaa ka socda Xaafadaha Laba-dhagax, Cali Kamiin iyo xaafada Furayaasha,, waxayna ciidamada howlgalka wada gudaha u galeen guryaha iyo dhismooyinka ku yaala xaafadahaasi, iyadoo loo soo saaray dhalinyarrada iyo xubno laga shakiyey.
Waxaa la xiray isu socodka gaadiidka iyo dadka xaafadaha Howlgalka ka socday oo la geeyay ciidamo fara badan oo Boolis ah, waxaana lagu soo qabtay dhalinyaro fara badan oo baaritaan loogu qaaday saldhigyada Booliska.
Howlgalkan ayaa dhacaya iyadoo mudooyinkii danbe ay magaalada ku soo bateen dilalka qorsheysan iyo qaraxyada loo adeegsado Bam gacmeedyada.