Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in ciidamada amniga ay kula kaceen xadgudub, kan hor istaageen wadooyinkii ay u mari lahaayeen xarunta Golaha Shacabka.
Xildhibaannada oo ka hadlay arrimahan ayaa sheegay in ciidamada ay qatar geliyeen naftooda isla markaana ku xadgudbeen ilaaladooda, sida uu sheegay Xildhibaan C/qaadir Maxamed Cismaan oo caddeeyay in ilaaladiisa iyo ciidamada Booliska ay ku sigteen inay isku dhacaan.
Xildhibaan C/fataax Cismaan Daahir ayaa sheegay in ciidamada ay maanta halis geliyeen xildhibannada iyadoo hubka ka dhigay ilaalada, kana hor istaagay inay gaaraan xaruntooda, kadib markii ay u caddeeyeen inay yihiin xildhibanno Qaran.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa dalab culus u diray hay’adaha amniga dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay inaysan aqabaleynin hab dhaqanka ciidamada amniga magaalada.
“Ma aqbali doono in lagu xadgudbo sharafka iyo xasaanada xildhibaanka uu leeyahay, saraakiisha hay’addaha amniga waxa faraya in ciidamada ay ku wacyi geliyaan ixtiraamka xildhibaanada Qaranka ay leeyihiin” ayuu yiri guddoomiye Mursal oo sheegay in arrimaha maanta dhacay loo xil saaray guddiyada amniga iyo arrimaha gudaha Baarlamaanka.