Ciidmada Amniga ayaa xalay howlgal ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Dharkeynlay ee Gobolka Banaadir, markii ciidamada Booliska ay galeen Xaafadaha Dabakaayo madow, Xoosh, Suuq Boocle, iyo kuwo kale.
Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay Guri guri u baareen xaafadahaasi, waxayna dadka degaanadaasi ku nool sheegeen in Ciidamadu ay beegsanayeen dhalinyarrada, iyagoo qab qabtay dhalinyado fara badan oo xaafadahaasi ku noolaa.
Waxaa goob jid weyn ah la isugu geeyay dhalinyarada lasoo qabtay oo qaarkood guryahooda laga soo saaray, iyadoo la weydiiyay su’aalo, qaarna lasii daayey, halka qaar kale ay kaxeysteen ciidamada.
Ciidamada Booliska ayaa howlgallo kedis ah ku qaada xaafadaha degmooyinka magaalada Muqdisho, inkastoo hay’adaha amniga aysan faahfaahin ka bixin.