Howlgal aya Ciidamada amniga caasimadda ee dowladda Soomaaliya xalay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay koox burcad ah.
Halwgalka ayaa lagu qaaday xaafado ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo gacanta lagu soo dhigay koox burcad ah oo la sheegay inay falal dhac ah u geysan jirtay dadka iyadoo adeegsanaya Bistoolado Caag ah, ayna ka mid ahaayeen qaar lebista Dharka Dumarka.
Dhinaca kale Ciidamada xasilinta Caasimadda ayaa howlgal kale ka fuliyey Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkenley, iyadoo lagu soo qabtay rag hubeysan oo falal amni darro ah ka waday degmadaasi oo dhowaan lagu dilay dhowr qof.
Dableyda lasoo qabtay ayaa gaaraya 11 dabley ah, waxayna qaarkood ku lebisnaayeen dharka Ciidamada dowladda Soomaaliya, iyadoo lagu soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee degmada Dharkenley.