Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Ciidamada Amniga oo la wareegay xarumaha shirkadaha ku shaqeeya FOREX-ka ee magaalada Muqdisho

    Ciidamada Amniga oo la wareegay xarumaha shirkadaha ku shaqeeya FOREX-ka ee magaalada Muqdisho

    December 25, 2019Updated:December 25, 20193 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada booliska dowlafda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay la wareegay inta badan xarumaha shirkadaha ka shaqeeya sarifka Online-ka ee loo yaqaan Forex, ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

    Talaabada ciidanka ey qaadeen ee lagu weeraray xarumahan ayaa imaneysa kadib markii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu shalay soo saaray amar lagu faray  dhammaan Bankiyada Ganacsiga inay ku xiraan xisaabaadka Suuqa Sarifka lacagaha Qalaad ee loo yaqaano Forex Trading, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay aad ugu soo xoogeysanayay magaalada Muqdisho. 

    Sida ay sheegayaan wararka, ciidamada ayaa ku amray dhammaan dadkii ku sugnaa xarumaha la weeraray, inaysan jirin wax lacag ama agab oo ay ka qaadi karaan goobahaasi.

    Amarka oo ka soo baxay Guddoonka sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa yahay 43/G, kaasoo lagu farayo in sida ugu dhaqsiyaha badan Bankiyada gaarka loo leeyahay ay ku xiraan dhammaan xisaabaadka (Bank Accounts) ee Ganacsatada iibiya lacagaha qalaad ee suuqyada caalamiga ah Forex Trading uga furan bankiyada.

    Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta la hadlay VOA ayaa sheegay inay soo gaartay cabashooyin ka dhan ah shirkadahan oo ay soo gudbiyeen shacabka.

    Maalmihii dhowaa ayaa waxaa usoo xoogeystay dadka ka cabanaya in loo been sheegay, ayada oo lacago badan looga qaatay inay helayaan faa’iido xad dhaaf ah, balse markii dambe aysan dhicin, sida uu sheegay guddoomiyaha.

    Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka lacagaha, taasi oo ah shaqada Bankiga Dhexe inuu la socdo.

    Kadib markii uu so shaac-baxay amarka lagu xiray xisaabaadka shirkadaha Forex-ka, ee uu soo saaray Bankiga Dhexe, ayaa dadweyne badan oo ay lacago u yaalaan goobaha la-weeraray waxay billaabeen inay deg deg ku gaaraan xarumaha, si ay lacagahooda ula baxaan.

    Ganacsiga Forex ayaa horey loo sheegay inuusan banaaneyn diin ahaa, sida ay fatwoodeen culimada Soomaaliyeed.

    Culimada oo isugu timid masjidka Abuu Hurayra ee magaalada Muqdihso, ayaa shaaciyay xukunka dhinaca diinta ee dadka islaamka ah kaga aadan shirkaddahan ay sheegeen iney ku shaqeystan sarifka Online-ka ee Forex, waxaana ay tilmaameen inuu yahay ganacsi ku dahaaran ‘been abuur iyo ribo’ iyagoo usoo qaatay Axaadiith iyo Aayado kamid ah Quraanka Kariimka.

    Culimada waxay kaloo cadeeyeen inay xaaraan cad tahay ku ganacsiga iyo kamid noqoshada ganacsigaas maadaama uu ganacsigaas iyo qofka ku jiro uu lugaha la galayo ribo, isla markaana diinta islaamka ay xukun cad ka dejisay ribada, sida ay hadalka u dhigeen.

    Ka sokow xagga sharciga diinbta, dhibaatada sarifka Online-ka ayaa waxaa ka mid ah in dad badan lacagta lagala goosto.

    Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa dadka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan Somaliland iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, usoo wajahay arrimo la mid ah kuwa ay hada wajahayaan dadka kunool koofurta Soomaaliya, iyada oo ay dhaceen ganacso isugu jirtay Hindi iyo Soomaali.

    Dadkan ayaa ayaa lasheegayaa iney dhaceen shirkado lacag kaga uruuriyay lacago, oo u sheegtay in ay lacag faa’iido badan ah helayaan bishiiba, kadibna ugu dambeyn ay kala goosteen lacagahoodi.

    FOREX Muqdisho
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleBaarlamaanka Federaalka oo Mar kale Cod u qaadayaa Hindise Sharciyeed uu dib ugu soo celiyay Aqalka Sare
    Next Article Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Magaalada Muqdisho & Askarigii ka danbeeyay oo..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo