Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa caawa toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa Qori oo looga shakiyey inuu watay waxyaabo qarxa.
Ninkan ayaa wararku sheegayaan in Booliska Gobolka Banaadir ayaa ku toogteen Ex. Kontrol Balcad oo uu ka saocdo dhismaha Jidka dheer ee isku xita Muqdisho iyo Balcad. Wuxuu sidoo kale Ninkan watay Boorso lagy tuhmay inay ku jiraan waxyaabo qarxa.
Ma jirto xaqiijin ku saabsan waxa uu ahaa ninka ladilay, waxaana la sheegay in looga shakiyey inuu doonayey carqalad uu ku sameeyo dhismaha Jidka Balcad, waxaana dilkiisa kadib bilowday baaris.
