Walxa qarxa oo lagu soo xiray Bac, isla markaana ka dhigay Wadadda Maka Almukarama, gaar ahaan Xaaji Baasto oo u dhow Guriga Shaqaalaha ayaa lagu guuleystay in la kala furfuro.
Ciidamada Booliska ayaa maqribnimadii xiray Wadaddaasi iyadoo Qeybta walyaabaha qarxa oo halkaasi tegay ay ku guuleysteen inay kala furfuraan qaraxyad l isku xiray ee ku jiray Bacda.
Taliye xigeenka Saldhigga waaberi L/Xidigle C/laahi Axmed Xalane ayaa u sheegay SONNA in qaraxa goobta la dhigay loola dan lahaa in waxyeelo lagu geysto.
Kooxda Alshabaab ayaa bishan ramadaan sii kordhisay falalka qaraxyada iyo khaarijinta ah, waxaana ay bishan noqotay tii ugu dhiig daadashada badneyd muddooyinkan.
Wadani.com