Ciidamada Booliska Soomaaliya G/Banadir oo howlgal culus ku qaaday xaafado ka tirsanĀ degmooyinka Howlgawadaag, Hodan iyo Wardhiigley.
Wararka aya sheegay in xaafadaha howlgalka baaritaanka lagu qaaday ay ka mid yihiin: Xamarjadiid, Cali-kamiin, Baar-Ubax, Black sea, Shiirkole iyo xaafado kale, iyadoo howlgalku ku wajahnaa burcad abaabulan oo xaafadahaasi la sheegay inay ka kaceen oo dhibaatooyin u geysteen dadka ku nool.
Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay ku qabqabteen dhalinyaro fara badan oo lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka yihiin amnidarrada xaafadaasi ka mida saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Dadka degaanka ayaa sheegay in howlgalka ay ka qeyb galeen ciidamo fara badan oo ku hubeysnaa gaadiidka gaashaaman iyo kuwa ciidamada qaada, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga.