Howlgal ay ciidamada Booliska xalay ka sameeyeen xaafado ka mida degmada Hodon ee Magaalada Muqidsho ayaa lagu soo qabqabtay dhalinyaro looga shakiyey inay amni darro ka wadeen caasimadda.
Ciidamada ayaa baaritaan ku smeeyay Gaadiidka iyo dadweynaha, waxayna dadka degaankaasi sheegeen in la qabtay dhalinyaro tobanaan ah oo ay hore u kaxeysteen ciidamada booliska si baaritaan loogu sameeyo.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Booliska oo ku aadan howlgalkaasi, waxayna degmada Hodon ka mid tahay xaafadaha ugu badan ee ay ak dhacaan falalka khaarijinta ah.
Ciidamada Booliska ee lagu wareejiyey amniga magaalada Muqdisho ayaa ku sugan wadooyinka Muqdisho, iyadoo weli ay sii socdaan falalka amni darrada ah.