Ciidanka Booliska magaalada Muqdisho ayaa qarxiyay waxyaabo qarxa oo maalmihii dhowaa lagu soo qabtay howgallo laga sameeyay magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ayaa laga fuliyay Saldhigga Bari ee Degmada C/casiis, waxaana qaraxyada laga maqlay meelo badan oao ka mida Muqdisho.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxyada ahaayeen kuwii maalmihii ugu dambeeyay lagu soo qabtay howlgaladii Ciidamada Ammaanka ay Muqdisho ka fuliyeen Muqdisho.
Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliska ayaa dhowaanahan gacanta ku soo dhigay gawaari qaraxyo oo markii ugu horeysay ay fashiliyeen intii aan lagu fulin qaraxyadii loo diyaariyay.
Wadani.com