Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta tegay Taliyaha ciidamada Booiiska iyo taliyaha ciidamada cusub ee Birmadka Gobolka Banaadir, iyadoo lagu soo bandhigay ciidamada cusub ee Amniga xarunta.
Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo Bishii Janaayo ee sanadkan ay weerar ku galeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo dhimasho iyo dhaawac ka geysatay, waxaana maanta la soo bandhigay ciidamadii ugu badnaa ee xaruntaasi loogu talogalay amnigeeda ilaaliyaan.
Bandhigga ciidamadan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-Xigeenka Amniga, siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye iyo masuuliyiin kale
Bandhigga ayaa la sheegay inuu ahaa dardar gelinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyadoo ciidamada ilaalada ah la faray inay muujiyaan foojignaan dheeri ah.



