Ciidamada Dalka Qatar ayaa helay qeybtii ugu horeysay diyaaradaha dagaalka ee Rafale oo Faransiisku sameeyo, kuwaasoo lagu soo bandhigay xaflad ka dhacday magaalada Doha ee dalka Qatar.
Shan diyaaradood oo nooca howlgallada kala duwan fuliya ee Rafale, kana mida diyaaradaha dagaalka ugu casrisan ee Faransiisku sameeyo ayaa lagu wareejiyey ciidamada cirka dalka Qatar, waxayna qeyb ka yihiin heshiis ay Qatar ku dalbatay 24 diyaaradaha dagaalka ee nooca Rafale sanadkii 2015.
Diyaaradahaan ayaa hore loogu wareejiyey Qatar, laakiin waxay yaalleen dalka Faransiiska iyadoo loo tababarayey duuliyeyaal u dhashay dalka Qatar oo ugu danbeyn shalay dhoolatus ku sameeyay diyaaradahaasi, iyadoo uu xafladda ka qeyb galay amiirka dalka Qatar Tamin Bin Hamad.
Qatar waxay kaloo heshiis la gashay dalka Mareykanka, kaasoo ay ku iibsaneyso 15 diyaaradaha dagaalka ee F-15, wuxuuna ku kacayaa lacag dhan 12 Bilyan oo Doolar, waxayna qeyb ka yihiin is-hubeynta Qatar oo u dabaaldageysa sanadguuradii labaad ee xayiraadda ay ku soo rogeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.
Diyaaradda dagaalka ee Faransiisku sameeyo oo sanado suuq xumo heysay ayaa sanadkii 2015 waxaa 24 diyaaradood ka iibsaday dalka Masar, iyadoo kadibna qandaraas ka heshay dalka Qatar, halka India ay sanadkii 2016 dalbatay 36 diyaaradood oo noocan Rafale ah.






