Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay la wareegeen degaanka muhiimka ah ee Wabxo oo 43 KM u jira degmada Ceelbuur ee saldhigga ugu weyn Alshabaab, Gobolka Galgaduud.
Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Danab oo kaashanaya ciidamada degaanka ayaa Al Shabaab kala wareegay Waxbo oo ah degana ay 15 sanno ka badan maamulayeen Alshabaab, kadib dagaal shalay dhex maray labada dhinac.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Gen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamadu la wareegeen shalay iyo xalay Tuulooyinka Warxoole, Ceelboore, Wara-dhuumoleh, Wara-gibile iyo Ceelgorof oo ka wada tirsan Gobolka Galgaduud iyo dhul 250 KM gaaraya.
Dhinaca kale Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in Alshabaab ay abaabul dagaal ka wado degmada Ceelbuur, iyadoo dadka shacabka ah ku qasabtay inay qoryaha qaataan oo ka qeyb galaan difaaca degmada.
