Taliska Ciidamada Kumaandooska ee Danab weerar ku qaaday weeraray degaanka Mubaarak ee gobolka Shabellada Hoose oo howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu ku dilay Guddoomiyihii Al-shabaab ee degaanka Mubaarak iyo tiro ka tirsan Maleyshiyada Al-shabaab, waxayn ciidamada Kumaandooska burburiyeen Gaari nooca Hoomey ah oo Al-shabaab la sheegay inay ku diyaariyeen walxaha Qaraxa
Horjogihii Al-shabaab ee la sheegay in la dlay ayaa u qaabilsanaa degaanka Mubaarak, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdulle Gaare.
Alshabaab ayaa la sheegay inay sumeeyeen ceelasha Biyaha ee degaanka Mubaarak, taasoo keentay in halkaasi ay howlgal ka fuliyaan ciidamada Danab.
