Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo kuwa gaarka ah ee Puntland ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo maanta ku dilay nin la sheegay inuu ahaa Madaxii Al-shabaab ee Qaraxyada Gobolka Mudug.
Taliska Ciidanka Sirdoonka Puntland (PSF) ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Ciidamada DANAB ay hawlgal qorsheysan ku dileen Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Mudug, waxaana lagu eedeyay in ninka la dilay uu ka dambeeyay, qaraxyo badan oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa Puntland iyo Galmudug.
Ninkan lagu sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab ayaa iska hor imaad la galay ciidamada, kaasoo lagu dhaawacay, laakiin wuxuu isku dayye inuu baxsado, waxaana toogtay ciiamada oo hoe u qaatay meydkiisa.
