Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay xarun shir uga socday odayaal dhaqameed.
Odayaasha ayaa la sheegay inay ku howlanaayeen dhismaha maamul Goboleed falaago ah oo loogu magac daray Hiiraanland. ciidamada ayaa albaabada isugu dhuftay Baarkii shirka ka socday oo lagu magacaabo Xasan dhiif.
Wararka ayaa sheegaya in la xiray qaar ka mida odayaasha, iyadoo markii dambe la sii daayay, iyagoo looga digay carqaladeynta ay ku wadaan maamulka Hirshabeelle.
Ciidamada dowladda ayaa amar ku bixiyay inaan magaalada Beledweyne lagu qaban karin shirar aanay ka warqabin Taliska Ciidanka Gobalka Hiiraan oo si KMG ah uga taliya Gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda ee Gobalka Hiiraan ayaa ka amar qaada dowladda federaalka iyagoo fuliya go’aanada dowladda Federaalka.