Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dad lagu laayay degmada Xudur ee Gobolka Bakool kadib iska hor imaad dhex maray ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxda Alshabaab, iyadoo dagaalka ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka ciidamada Itoobiya.
Dad rayid ah oo ayaa ku dhintay, qaar kalena ay ku dhaawacmeen iska hor imaad ka dhacay degmada Xudur iyadoo dadka dhintay ay ku dhow yihiin 10, ayna ku dhaawacmeen 7 kale. Dadka dhaawaca ah ayaa laga cabsi qabaa inay geeriyoodaan, waxaana maamulka degmada uu arrintaasi ku eedeeyay Alshabaab.
Guddoomiye ku xigeenka Bakool C/llaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in dagaal la galeen Alshabaab oo weerar ku soo qaaday, ayna ka qabsadeen qalab ciidan iyo 16 maleeshiyo oo nolol lagu qabtay kana mida kooxdii weerraka soo qaaday. Maxamed Macalin Axmed Guddoomiyaha degmada Xudur ayaa isna sheegay in dadka shacabka aysan si aan ku talogal ahayn ay ciidamado rasaas ugu fureen xili uu sheegay inay guryaha ay galeen rag hubeysan Alshabaab ka mid ahaa.
Dhacdadan ayaa u eg dilkii dhowaan ka dhacay magaalada Marka ee Gobolka Sh/hoose oo ciidamada AMISOM ay ku laayeen 18 ruux oo rayid u badnaa, waxayna AMISOM ku dooday in dadkaasi ay ahaayeen Alshabaab abaabul ka waday magaalada.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]