Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay mar kale xireen xoghayihii ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin oo Axadii Damiin lagu sii daayey.
Cabdalla Muumin ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho xilli uu doonayey inuu u dhoofo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana dib loogu celiyay Xarunta CID-da oo uu markii hore ku xirnaa.
ururka SJS ayaa sheega in Cabdalla uu xaalad caafimnaad ugu socday dalka Kenya, isagoo wajahaya caafimaad darro dhinaca keliyaha ah, dib u xeristiisana ay halis ku tahay caafimadkiisa.
Maxkamadda ayaa diidan inuu Cabdalla dibadda u safro, iyadoo kaliya u ogol inuu gudaha Muqdisho joogo, inkastoo aanay taasi ku caddeyn damiinka lagu sii daayey.
Cabdalle Axmed Mumin ayaa damiin lagu soo daayey maalintii Axadda kadib markii uu xirnaa tan iyo 11-kii, waxaana lagu soo oogay eedo ku saabsan eedo ku saabsan ka hor imaansho Awaamiir dowladeed.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay kiiskiisa muddo 45 maalmood ah iyadoo Cabdalle Axmed Muumin lagu sii daayey Damiin.
