Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadiid iyo dadkii la socday oo ku sii jeeday degaanada ay ka taliyaan Alshabaab.
Sida lag baahiyey warbaahinta dowladda, ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ayaa qabtay saddex Babuur oo la sheegay inay ku rarnaayeen Qalab electronics u badan iyo dadkii watay kuwaas oo ku sii jeeday deegaanada Alshabaab.
Gaadiidkaan ayaa waxaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaana sidoo kale ay gacanta ku dhigeen ciidanka 8-Ruux oo uu ku jiro Nin u dhashay dalka Uganda oo ka mid ahaa dadkii gaadiidkaasi la socday.
Warka kasoo bay NISA ayaa lagu sheegay in lagu tuhunsan yahay dadka la qabtay inay qalabkaasi ay u wadeen caddowga, balse wax faahfaahin ah lagma bixin waxa uu qalabkaasi ahaa.
Sidoo kale ma jiro faahfaahin laga bixiyay dadka la qabtay iyo waxa ay yihiin tuhunka loo heysto ee ka baxsan Qalabka Electronic-ga ah oo dalka oo dhan ganacsi ahaan isaga kala goosha.