Wararka laag helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu dagaal dhex maray ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan oo dhexdooda is-rasaaseeyay.
Iska hor imaadka ayaa ka dhacay degmada Doolow, waxaana la sheegay inuu u dhaxeeyay Ciidamada Nabadsugida degmada iyo ciidamo ka tirsan kuwa ay dowladda Federaalka geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka ku dhaawacmay Taliyihii Ciidanka NISA ee degmada Doolow Xasan Cibaad iyo hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay iska hor imaadka dhex maray labada ciidan oo muran dhex maray Taliyaha NISA ee Doolow iyo ciidamada dowladda geysay halkaasi.
