Saraakiisha ciidamada Milateriga ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degaanka Ceel-Hareeri ee Gobolka Gal-gaduud.
Degaankan ayaa ka mid ahaa degaano dhowr ah oo Maleeshiyaadka tirsan Al-shabaab ay muddo dheer ka talinayeen.
Waxaa lasoo weriyay in ilaa 1o maleeshiyo looga dilay Kooxda Al-shabaab dagaalkan, halka 7 kalena laga qabtay, sida ay sheegayaan Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, waxaana dhaawaca kuwa la qabtay la geeyay Galcad.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa hadba degaano hor leh ku duula Gobolka galgaduud, iyagoo dib uga baxa kadib markii ay ka saaraan Alshabaab, taasoo loo arko qorshe aan hore u socod lahayn.
Wadani.com