Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay saaka la wareegeeb degaanka Biyo Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen kooxda Alshabaab oo muddo dheer ka talineysay.
Ciidamada isbaheystay oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo dabaabaadka ayaa gudaha u galay deegaanka salaadii subax kadib. Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe Daa’uud Xaaji Ciro ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen Biyo-Cadde, mana jirin sida uu sheegay wax iska caabin ah.
Deegaanka Biyo-cadde ayaa caan ku ah Ganacsiga, iyadoo uu ka mid yahay degaanada ugu waaweyn ee gobolka ee dhinaca ganacsiga ugu horeeya, waxaana muddo dheer ka talinayay kooxda Alshabaab.
Wadani.com