Wararka laga helayo gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaal isugu jira duqeyn iyo howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykan ah.
Dagaalka oo ku bilowday duqeyn culus ayaa lagu qaaday saldhigga Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Toro-torow.
Saraakiisha milateriga dowladda ayaa laga soo xigtay in howlgallo ka dhan ah Alshabaab uu ka bilowday gobolka Shabeelaha Hoose oo saldhigyo lagu diyaariyo qaraxyada iyo weerada ay ku leeyihin Alshabaab.
Lama oga qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, waxayna dadka degaanka sheegeen in dhimasho iyo dhaawac ay soo gaareen kooxda.
Wadani.com