Waxaa markii labaad dagaal culus uu ka dhacay degaanka Jazeera ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo dhex maray maleeshiyo degaank ah iyo ciidamada Booliska ee Haramcad.
Dagaalkan ayaa ka dhashay Qaad ka yimaada dalka Kenya oo laga dejiyo Xeebta Jazeera oo ay ilaaliyaan maleeshiyo degaankaasi ku sugan; waxaana Qaadkaasi in magaalada lasoo geliyo ka hortageya ciidamada Booliska Dowladda oo ay taageeerayaan kuwa Haramcad.
Dagaalkii ugu danbeeyay oo ahaa mid kulul oo saacado socday ayaa dhaliyey, wuxuuna yimid markii ay maleeshiyada degaanka weerar ku qaaday bar ay ciidamada Booliska ku leeyihiin halkaasi, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay Askar Booliska ka tirsan, laguna dhaawacay qaar kale, halka maleeshiyada la sheegay inuu qasaare soo gaaray. Waxaa weli kacsan xaaladda degaankaasi oo labada dhinac isku hor fadhiyaan.
Ciidamada dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka ugaarsanaya Qaadka laga keeno dalka Kenya oo aan la ogoleyn in Muqdisho la keeno ama lagu iibiyo, laakiin kooxo maleeshiyooyin abaabulan ayaa Qaadkaasi kasoo dejiya xeebaha ku dhow Muqdisho, wuxuuna hadda isu bedelay Qaadka Kenya arrin ay ku dagaalamaan ciidamada dowladda iyo Maleeshiyooyin kala duwan.
Qaadka ka yimaada Itoobiya ayaa si caadi ah u yimaada Muqdisho, waxaana lagu iibiyaa suuqyada caasimadda, halka Qaadka Kenya uu mamnuuc yahay.