Taliska ciidamada dowladda ayaa sheegay inay Alshabaab kala wareegeen degaan hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, maamulka Galmudug.
Ciidamada xoogga dalka iyo xoogga degaanka ayaa Khawaarijta kala wareegay gacan ku haynta degaanka Ceelhuur ee hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyadoo bilowday dagaal ka dhan ah e Alshabaab.
Ciidamada oo ka baxay degmada Hobyo ee Gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyey in Ceelhuur soo gashay gacanta ciidamada doladda oo warbaahinta dowladda ay sheegtay inay uga sii gudbayaan dhinaca Xaradheere.
Ceelhuur ayaa 50km u jirta degmada Xarardheere, iyadoo uu Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Bixii uu sheegay inaysan wax welwel ka qabin Alshabaab, kana saari doonaan degaanada Mudug iyo Galgaduud laba toddobaad ah.
