Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa dagaal culus kula galay dagaalamayaasha Al-Shabaab degaanka Orshe oo dhinaca Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay Al-shabaab kala wareegeen degaankaasi, kadib howlgal ka dhacay oo saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay ku dileen ku dhowaad toba ka mida maleeshiyada Alshabaab, loogana furtay hubkii iyo saanad.
Saraakiisha ciidmada ayaa sheegay inay Al-shabaab dhibaato badan ku heysay ay dadka halkaas ku heysay dadka degankaasi ku noolaa, iyagoo ka qaadi jiray lacago iyo xoolo Zakawaad ah.
Howlgalka ayaa qeyb ka yihiin dagaallo ay ciidamada uga saarayaan Al-shabaab degaanada Gobolka Galgaduud.
