Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo Jidka Maka Almukarama ee xiriiriya degmooyin badan iyo qeybaha muhiimka ah ee caasimadda.
Ciidamo boolis ah, kuwa Haramcad iyo ciidamo kale oo badan ayaa la sheegay inay dowladdu geysay Isgoysyada Dabka iyo KM 4, waxaana heegan la geliyey ciidamada saldhigga Booliska degmada Waaberi taasoo dhalisay cabsi ah inay dhici karaan iska hor imaadyo hor leh.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin iyo wadahadal, laakiin waxaa la xaqiijiyey inaysan hadda socon waanwaan rasmi ah oo labada dhinac la isaga dab qaadayo.
Bannaanbax habeen ayaa caawa ka dhacay degmada kaarana ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah madaxweyaha xilkiisu idlaaday ee Maxamed Farmaajo oo ku tilmaameen keligii taliye.
Bannaanbaxyada ayaasii xogeystay, waxayna ka socdeen isgoysyada Kaaraan, Jiirada, Jardiinka, iyadoo soo gaaray Saca ilaa Siinaay. Dadka bannaanbaxaya oo si weyn u sii kordhay ayaa dalbanaya inuu Farmaajo ka tago Madaxtooyada.
Xaaladda ayaa degan guud ahaan magaalada marka laga reebo in goobihii lagu dagaalamay xalay ay weli ku sugan yihiin ciidamo gadoodsan oo ka horjeedo muddo kororsiga Farmaajo.
