Wrarka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya inuu halkaasi dagaal ku dhex maray ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa dagaal culs isaga hor yimid, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in rasaas xoog leh ay isku weydaarsadeen gudaha degmada Balcad, waxaana la soo weriyay inuu dagaalku dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda ay kacsan tahay iyadoo rasaastu istaagtay, waxaana labada dhinac ku dhex jira saraakiisha cidamada dowlada.