Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa degaanka ee Macawisleyda ayaa dib ula wareegay Degaanka Daaru Nicma ee Gobolka Sh/Dhexe, kadib markii ay saaka la wareegeen maleeshiyada Alshabaab.
Ciidamada Degaanka ayaa isaga baxay degaanka Daaru-Nicma inta aysan Alshabaab ka bixin, kadib waxay maleeshiyada Alshabaab la wareegtay degaanka, iyadoo qarxisay qeyb ka mida Masjidkii Degaanka Daaru-Nicma iyo saldhigyadii ciidamada.
Weerarka kadib waxaa halkaasi ka dhacday duqeyn cirka ah oo lala beegsaday Alshabaabkii qabsaday Daaru-Nicma, iyadoo kadibna weerar rogaal celin oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay dib ula wareegteen galabta degaanka Daaru-Nicma.
Dhinaca dowladda ayaan faahfaahin ka bixin weerarka degaanka Daaru-nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe, balse waxay warbaahinta dowladda shaacisay inay Alshabaab qarxisay Masaajid ee dadka degaanka.
“Horay Khawaarijta Alshabaab waxay u qarxiyeen Masaajid wayn oo ku yaala degmada Buula-Burde ee Gobalka Hiiraan, masaajidka Qaayib, iyadoo laga difaacay Masaajidka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halka kuwa kale oo ku yaala deegaanada ay joogaana ay xireen si aysan cilmi uga qaadan dadka, magaalooyinka kalana waxa ay masaajida ka dhigteen kuwa ay ku gaadaan iyagoo horay dad masaajid ku jira oo cibaaeysanaya ay dileen” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta dowladda.