Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay deegaanka Qalimow ka sameeyeen howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Alshabab.
Ciidamada ayaae la sheegay inay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 20 dhalinyaro ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Waxaana baaritaan balaaran lagu qaaday baabuurta isaga goosha Balcad iyo Jowhar iyo degaanka Qalimow.
Faahfaahin dheeraad aha lagama bixin xubnaha la qabtay iyado muddooyinkii danbe ay wadada Balcad-Jowhar ku sii kordheen weerarrada ay ka geysanayaan jidkaasi oo dhowaan lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda.