Ciidamada dowladda ayaa markii ugu horeysay hawlgal ka fuliyey gudaha degmada Galhareeri ee gobalka Galguduud, iyadoo lagu beegsaday saddex xarumood oo Alshabaab ku sugnaayeen.
Howlgalkan oo duqeyn ahaa ayaa ka dhacay Garaash ay Alshabaab ku diyaarinaysay waxyaabaha Qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay toddobo Gaari oo yaalay Goobtaas, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidamada.
Goobta labaad ee la beegsaday ayaa lagu sheegay Bakhaar Hub oo Alshabaab ku lahayd kaas oo la gubay, halka kan saddexaad u ahaa goob uu u yaalay qalab caaafimaad oo Alshabaab lahayd.
Degmada Galhareeri ayaa muddo dheer waxaa maamulayay Alshabaab, waxaana marki ugu horieysay ee ay gaaraan Ciidamada Xoogga dalka, xilli ay ciidamada dowladda isu diyaarinayaan wejiga labaad ee Dagaalka Alshabaab.